Jimicsiga xubnaha
dhaqdhaqaaqa ee gacmaha ee u
baahan kaalmo
Waxad u baahan doontaa cid kaa caawisa jimicsigan. U samee jimicsi
kasta si deggan _____ jeer, _____ jeer maalintii. Ku samee jimicsiga
labada gacmoodba adigoo dhabarka u jiifa amase fadhiya. Samee
jimicsiyada calaamadsan oo kaliya.
Jimicsiyada
Garbaha
Qabo gacanta halka
suxulka iyadoo curcurku
usoo jeedo dhinaca
foolkaaga. Waa in
suulku taagan yahay
baabacaduna sare u
jeeddaa. Sare u qaad
gacanta ilaa dhegta
agagaarkeeda. Ku samee
jimicsigan gacanta kale.
Qabo gacanta suxulka
iyo curcurka iyadoo
curcurku kaa sii jeeddo.
Waa in suulku taagan
yahay baabacaduna
kor u jeeddaa. Sare
u qaad gacanta ilaa
dhegta agagaarkeeda.
Ku samee jimicsigan
gacanta kale.
Assisted Arm Range of Motion Exercises. Somali.
1